
Xaalad adag iyo amaanka
Degmada Kramfors waxaa hadaf u ah in dhammaan dadka ku nool kana shaqeeya gudaheeda ama booqda degmadan ay dareemaan amaan.
Waxaan rabnaa inaan abuurno jawiyo fiican oo amaan ah, kuwaas oo u dhabar adayga culeysyada banaanka iyo kuwa gudaha.
Inkastoo ay sidaas tahay waxaa dhici kara waxyaabo halis ah. Waxaa fiican inaad diyaar u tahay tusaale ahaan korontada oo go’da.
Alaab fiican in lagu haysto guriga
Shamac, kabriid, toosh leh beetariyo dheeraad ah, baaldi lagu soo qaato biyo, kaniinka xanuunka, balastar, raadyow leh beetariyo.
Kulayliso dheeraad ah, kiishka lagu seexdo, bustayaal khafiif ah iyo dhar leh diirimaad, kijada marka banaan la joogo iyo raashin ku jira daasado ama cunto lagu qalajiyay baraf.
Qorshee in aad is dabari karto ugu yaraan 72 saacadood.
Adeegga badbaadinta
Degmada Kramfors waxay ku jirtaa Adegga badbaadinta ee Höga kusten-Ådalen. Waa urur ay leeyihiin degmooyinka Härnösand, Kramfors iyo Sollefteå.

Qayla dhaanta Hesa Fredrik ayaa la tijaabinayaa
Afar goor sanad walba, mar walba maalin isniin ah saacadu markay tahay 15.00, dad badan oo jooga Iswiidhan ayaa maqla dhawaaq digniin oo sida hoonka baabuurka ah. Qaylo dhaanta Hesa Fredrik waxaa laga tijaabiyaa dalka oo dhan.
Iswiidhan waxaan ku leenahay qaylo dhaan banaanka ah oo ka kooban qiyaastii 4 500 qaylo dhaan oo ku rakiban saqafyo dhismayaal ama meelo kale oo dhaadheer.
Qaylo dhaanyadan waxay leeyihiin afar dhawaaq, laakiin labo dhawaaq oo keliya ayaa la tijaabiyaa. Marka hore waxaa la tijaabiyaa dhawaaqa loogu talo galay "Fariin muhiim ah", ka dibna dhawaaqa loogu talogalay "Dhibtu dhammaatay".
Tijaabadu sidan ayay u dhacdaa:
Marka hore dhawaaqa ayaa ah mid aan kala go’ lahayn muddo ah toddobo il-biriqsi, ka dib waxaa ku xigta 14 il-biriqsi oo aamusnaan ah. Tijaabada dhawaaqa waxay socotaa ugu yaraan laba daqiiqo. Saacadu markay tahay 15.05 ayuu bilaabmaa dhawaaqa ah in dhibtu dhammaatay, taas oo ah dhawaaq is haysta muddo 30 il-biriqsi ah.
Sidee ayaa loo ogaan karaa in ay tahay tijaabo?
Qaylo dhaanta tijaabada ee lagu sharraxay kor way ka duwantahay qaylo dhaanta la isticmaalo markay tahay xaalad run ah.
Haddii dawladdu rabto inay dadka ku wargeliso in ay jirto xaalad deg-deg ah oo khatar dagaal ama in dalku ku jir dagaal waxaa la isticmaalaa qaylo dhaanta is diyaarinta. Markaas waxaa la diraa dhawaaq dhererkiisu yahay 30 il-biriqsi, waxaa ku xigta 15 il-biriqsi oo kala joogsi leh. Sidaas ayaa lagu cel-celiyaa muddo ah shan daqiiqo.
Qalo dhaanta diyaaradaha ayaa la isticmaalaa si dadweynaha loogu digo haddii ciidanka difaaca uu ogaaday weerar hawada ah oo halis ah. Qaylo dhaan diyaarad wuxuu ka koobanyahay dhawaaqyo gaaban oo socda hal daqiiqad.
Marinada macluumaadka ee xilliga xaalado adag
Xilliga xaalado adag waxaa degmadu isticmaashaa dhowr ah marino macluumaad oo kala duwan si loogu baaqo adigaaga ku nool kana shaqeeya halkan.
Waxa aad mar walba macluumaadka markaas jira ka helaysaa degmada bogeeeda intarnatka, kramfors.se.
In la dhagaysto idaacadda maxaliga ee P4 ayaad xitaa ka helaysaa macluumaad. Xaaladaha qaarxood xitaa SVT, Mitt-Nytt, TV4 Mitt – kuwaas ayaa laga helayaa intarnatka.
Lambaro telafoon oo muhiim ah
113 13
Lambarka qaran ee macluumaadka Iswiidhan. Halkaas ayaad wici kartaa haddii aad rabtid inaad hesho warbixin xilliga shilal halis ah iyo xaalado adag oo bulsho. Waxay ahaan karaan duufaan xoog ah, faafidda hargab xun ama daadad. Waxaad xitaa wici kartaa 113 13 si aad u dhiibto macluumaad.
0612-146 00
Lambarka degmada ee aad xilliga xaalad adag ka helayso warbixin ku saabsan xaaladda dhacdo markaas jirta iyadoo la akhrinayo fariimaha.
Lambaro telafoon oo kale oo muhiim kuu ah adiga
114 14
Booliiska - arrimaha aan ahayn deg-deg
1177
Talo-bixinta daryeelka bukaanka
0612-108 28
Heeganka haweenka dhibaataysan ee Kramfors
11 61 11
BRIS - Hey’adda xuquuqda carruurtu ku leedahay bulshada
08-702 16 80
Qofka ku jira heeganka xilliga fasaxa iyo habeenkii
90101
Khadka qofka ka fikiraya inuu nafta iska qaado
Markay jirto khatar qof nafta iska qaadaya oo DEG-DEG ah waa in aad wacdo 112
112
Lambarka deg-degga ee Iswiidhan ee la isticmaalayo xilliga xaalado khatar ah oo deg-deg ah markay jirto wax halis ku ah naf, hanti ama deegaanka. Xaalad khatar ah waa marka aad si dhakhso ah aad caawimaad uga baahantahay ambalaans, adeegga badbaadinta, booliis, badbaadinta duulimaad, bad iyo buuro, baadariga ku jira heeganka ama macluumaadka wixii ah sun.
Liista telafoon oo warqad ku qoran
Fadlan ka hor lambarada telafoon ee muhiimka ah ku sii qoro warqad meel kuu dhow kuu taala xilliga xaalad adag. Haddii intarnatka iyo moobiladu aanay shaqaynayn waxaa fiican in la haysto liista telafoon oo warqad ku qoran.
U kaalay adeegga macaamiisha
0612-800 00
Cinwaanka booqashada
Torggatan 2
Cinwaanka boosta
Degmada Kramfors
872 80 Kramfors
Uppdaterad: